U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Diyaarado Ku Baaraya Markab Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ciidamada badda ee midowga Yurub ayaa sheegay in ay diyaarado u direen si loo baaro wararka sheegaya in markab ganacsi ay burcad badeed ku afduubatay xeebaha Soomaaliya.

Afyaheen u hadashay midowga Yurub ayaa sheegtay in diyaarad ku sii jeedo goobta uu afduubka ka dhacay iyada oo  intaa raacisay in aaney sheegi Karin in arrinta burcad badeenimo la xiriirto in kale.

Markabkan oo uu ka dulbabanayey calanka dalka Sri Lanka ayaan la ogeyn in uu shidaal u soo wadey Soomaaliya iyo in uu qaab kale u socday.

Burcad Badeedda ku sugan xeebaha waxaa ay marmarsiyo ka dhigtaan in ay la dagaalayaan kalluumeysiga sharci darrada ah taas oo horay warbixinno hore uga digeen in ay ka dhashaan, waa afduubkii ugu horeeyay tan iyo 2012-kii.

Goobjoog News