U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Maraakiib Dawooyin Sida Usoo Diraya Soomaaliya

Sheeko:Caafimaadka

Midowga Yurub ayaa shaaciyey in si degdeg ah ay uga qeybqaadan doonaan gurmadka loo fidiyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Kulan degdeg ah oo ay Jimcihii yeesheen ayeey ku sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Soomaaliya usoo diri doonaan Maraakiib dawooyin sida.

Waxay sheegeen in dawooyin iyo qalab caafimaad oo horudhac ah ay soo gaarsiiyeen Soomaaliya, muhiimna ay tahay in si wadajir ah looga qeybqaato gurmadkaasi.

Qaraxii ka dhacay Zoobe ayaa waxay waxyeello kasoo gaartay guud ahaan 642 qof, waxaana dhintey 358, sida ay shaacisay dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News