U bood dhigaalka

Miisaaniyadda 2017: Sharma’arke Ayaa Ka Dhaqaale Fiicnaa Kheyre, 618 Shaqaale Cusub iyo Mushaarka Ciidan iyo Golaha Oo Kor Loo Qaadey

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka ayaa soo bandhigay warbixinta ku noqoshada odoroska Miisaaniyada Qaranka 2017, qodobo muhiim ah ayaa wax ka badan lagu sameeyay, arrimaha cusub waxaa ka mid ah: in la tixgeliyo mudnaanta kala horeynta kharash bixinta, Ciidamada iyo Xildhibaannada oo gunnadooda kor loo qaadey, lacag loo dhigay mashaariicda hor u marinta iyo in sanadkii hore uu dhaqaalaha dalka ka fiicnaa sanadkan 2017.

 Mudnaanta Kala Horumarinta Qarash Bixinta

Golaha shacabka waxaa ay leeyihiin haddii ay timaaddo hoos u dhac dhanka dakhliga ah ama deeqaha wasaaradduna fulin weyso bixinta dhammaan kharashaadkii kutalagalka miisaniyadda 2017, waxaa mudnaanta kharash bixinta loo raacayaa sida ay u kala horreeyaan ee hoos ku taxan:

Raashinka iyo gunooyinka ciidamada qalabka sida, Mushaharooyinka/gunooyinka shaqaalaha Rayidka ah,  Gunada Xildhibaanada, Golaha Wasiirada iyo Agabka iyo Adeega Barlamaanka,  Khidmadaha maaliyadu ku shaqayso (Bangiga Dhexe iyo Bangiga Horumarinta),  Mushaharka iyo gunnooyinka daynta ah ee kasoo wareegay Miisaaniyada sanadkii hore,  Adeegga iyo agabka Xafiisyada Dowladda, Daynta iyo qaamaha la hormarsaday.

Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka wuxuu ku adkeyay Wasaarada Maaliyada in ay qaraarka Golaha Shacabka ee mudnaanta kala horumarinta qarash bixinta ee xeerka ku noqoshada Miisaaniyadda 2017 ay u fuliso sida uu u qoranyahay.

 Warbixin Xisaabeedka:

Dhamaan Hay’adaha Dowladda ayaa lagu wargeliyay in ay u keenaan Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda dhamaan xisaab xidhka kharajka iyo dakhliga ee bishaas ugu danbeyn 7da bisha xigta iyadoo la raacayo qaabka uu tilmaami doono Xisaabiyaha Guud. Waxaa awood loo siiyey Wasaaradda inay hakiso bixinta qoondada ee miisaaniyadda ee hayadaha keeni waaya xisaabxirka billaha ah. Guddiga iyo Wasaarada waxaa ay isla garteen in laga bilaabo bisha Agoosto 2017 loo dhaqan gelin doono qodobkaan sida uu u qoranyahay.

Mushaarka Ciidamada Iyo Golaha Shacabka Oo La Kordhiyay.

Sida ku qoray warbixinta waxaa $50 lagu daray mushaarka ciidamada, waxaa kale oo jirta in Xildhibaannada adkeeyeen marka laga soo tago mushaarka oo $3000, in gunnada ilaalada, fadhiyada iyo lacagaha noocaas ah aan laga gor-gortamin, waxaa ay lacagtaas tagi kartaa illaa $800.

Guddiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxaa ay isla garteen in guud ahaan Mushaarka Ciidamada lagu kordhiyo lacag dhan $50, marka laga reebo inta darajo (grades) wax ku qaadata laga bilaabo 1da Noofember 2017, waxaana shardi ah in loo furo xisaab dhamaan ciidanka qaranka ka hor bisha Noofember 2017, lamana bixin karo wax gunno/mushaar ah oo aan lagu shubin xisaabta gaarka ah ee askari waliba laga bilaabo 1da Noofember 2017.

Guddiga iyo wasaaradda Maaliyaddu waxa ay isla garteen in Mushaarka Xildhibaanadii hore ee Barlamaankii 9aad la bixiyo 1 Bil sannadkan 2017, shanta bil ee kalena lagu daro Miisaaniyadda 2018.

Miisaaniyadda Waxaa Laga Dhigay $260 Milyan:

Kutala galka ku noqoshada Miisaaniyadda 2017ka ayaa noqotay US$ 260M waxaa ka muuqda in Miisaaniayaddu wali si weyn ugu kooban tahey kharashyada Adeegga Maamulka iyo Diffaaca taas oo looga qoondeeyey miisaaniyadda joogtada ah qaddar dhan US$ 247.7M kana ah 95.3%. Halka hadhaaga oo dhan US$ 12.3M oo loogu talo galay mashaariicda horumarinta una dhiganta 4.7% Qoondada Miisaaniyadda.

Halkee Dakhliga Laga Keenaa?!

Dakhliga miisaaniyaddu wuxuu aalaaba ka kooban yahey canshuuraha iyo khidmadaha kala duwan ee sharcigu jideeyey, kaalmooyinka ama deeqaha, dakhliga kale ee ilaha filiqsan ka soo baxa, daymaha qaranku soo deynsado gudaha iyo dibeddaba, haraaga miisaaniyadihii hore haddii uu jiro iyo dakhlikasta oo la filayo in si sharciga waafaqsan ay ugu soo korodho miisaaniyadda.

2016 Ayaa Ka Dhaqaalo Fiincaa 2017-ka:

Si duwan hadallada wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Xasan Khayre, guddiga maaliyadda ee golaha shacabka waxaa uu arkey in dhaqaalaha dalka uu ka hooseeyo sida uu ahaa xilligii Xukuumadda Cumar Cabdirashid Sharma’rke 2016ka, waxaa xusid mudan in sanadkan ay jireen abaaro hoos u dhigay dakhliga, waxaa dalka soo gaaray khasaare dhaqaale oo dhan $2 Bilyan,

Guddigu markii uu eegay dakhliga gudaha ee miisaaniyadda waxa u muuqdey inuu sameeyey isbeddel korodhsiimo balse aad uga yar kororsiimadii 6dii bilood ee hore sanadki 2016, guud ahaan dakhliga gudaha iyo dibadda ee 6da bilood ee sannadkan ugu horraysay waxaa ay noqotay US$93 M kororsmiimaduna waa US$3.5 M oo lamid ah 3.8% halka 6dii bilood ee sanadkii hore 2016 ka uu ahaa dakhliga guud ee gudaha iyo dibadda US$ 89.5 M kororsiimada uu sameeyayna ay ahayd US$28.9 M oo lamid ah 32.3%, halka 6di bilood ee ugu horaysay sanadki 2015kii dakhliga guud ee gudaha iyo dibadda uu ahaa US$ 60.6 M. Guud ahaan Ku noqoshada miisaaniyad sannadeedka (2017) dakhli ahaan waxey ka yartahay middii ku talogalkii iyo ku noqoshadi sannadkii hore (2017) Kii, waxayna inta badan ku saleysantahay miisaaniyad ku celintii sannadka 2016. Sidaa darted Guddigu waxa uu soo jeediyay in kor loo qaado howlaha dakhli ururinta dalka.

54.8% miisaaniyadda 2017-ka ku baxayso hay’adaha adeega maamulka guud, waxaana sababa arintaan kororka shaqaalaha dowladda oo joogta ah.

Kharashka Miisaaniyadda

Kaddib markii guddiga iyo wasaaraddu yeesheen kulamo isdabajoog ah waxaa la isla gartay in meelaha qaar ay muhiim tahay in isbeddel lagu sameeyo taasi oo ay sababtay duruufo baahiyeed oo lagama maarmaan ka dhigaya in la daboolo. Islamarkaana ay soo korodhay deeqlacageed oo dhan USD14.1 milyan taasi oo loo qaybiyey meelaha ugu baahida badan leh sida ka muuqata jaantuska hoos ku xusan.

Guddigu markii uu u kuurgalay Miisaaniyadda waxaa u soo baxdey in miisaniayaddii la soo gudbiyey April 2017 ay kusoo korodhay shaqaale dhan 618 oo aan kujirin Miisaaniyaddi 6di bilood ee sanadkaan 2017, tiradaasi oo kharashkooda lagu soo daray isbeddelka miisaaniyadda ku celiska ah ee cusub.

Talooyin iyo Soo Jeedimo

Guddigu isagoo tixgelinaya soo jeedimihii shacabkii ka qayb galay dhegaysigii dadweynaha ee Miisaaniyadda 2017 ka wuxuu soo jeedinayaa iney Xukuumaddu diyaariso qorshe qaran oo horumarineed oo ku aadan miisaaniyadda kaalmada ah ee beesha caalamku ugu deeqday horumarinta dalka iyo in miisaaniayadda gudaha looga qoondeeyo qayb horumarineed miisaaniyada 2018.

In ay xukuumadu si guud uga wada shaqayso dib u habaynta Miisaaniyadda Ciidamada Qaranka ee 2018 kahor inta aan la hor keenin Golaha Shacabka sidoo kale lagu soo saleeyo Gunnada Ciidamada darajadooda.

Guddigu waxa uu soo jeedinayaa in lagu soo faah faahiyo Miisaaniyadda 2018 qoondada duuduubka ah ee ay Dowlada Dhexe siiso Dowlad gobaleedyada, Gobalka Banaadir, Dekeda Xamar, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo wixii la hal maala.

Waxa kale oo guddigu soo jeedinayaa in sida ugu degdega badan loo dhammeystiro shuruucda maaliyadda ee dhiman sida; Sharciga Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo Sharciga Maamulka Cashuuraha (Revenue Bill), iyo in si gaar ah loo hor keeno Golaha Shacabka tacriifooyinka ka hor Miisaaniyadda 2018.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News,