U bood dhigaalka

Milkiilaha Facebook: 17 Dal ayaan galinay Internet Lacag la’aan ah

Internet.org waa adeeg Internet lacag la’aan, Waxaa la hirgaliyay sanadkii tagay, iyadoo ay ka faa’ideystaan dalalka aan Internet-ka laheyn.

Milkiilaha Facebook ayaas sheegay in hadda Internet-ka lacag la’aanta ah ay adeegsanayaan 17 dal oo dunida ah, dowladdii ugu horeysay ee Adeegan hesho waxaa ay aheyd Zambia.

Internet.org, Waxaa soo bandhigtaa sidoo kale Adeegyo kala duwan sida Caafimaadka, Waxbarshada iyo Isgaarsiinta, iyadoo ay dadka helaan adeegyo kala duwan.

Wararka waxaa ay sheegayaan in dadka ay aad u jecleysteen adeegan, oo waxaa ay heleen adeeg aad u qiimo badan oo Discount 50% ah, waxaa kaloo la sheegaa in ay dadka ka faa’ideen Caafimaad in ka badan hal Milyan oo qof.