U bood dhigaalka

Mugadishu Oo Logu Soo Gabangabeynaayo Shiweynaha dib U eegista Waxbarashada Dalka

Sheeko:War

Waxaa Mugdisho lagu soo gabangabeynayaa shirweynaha dib u eegista waxbarashada dalka  kaa soo Axaddii ka furmay magaalada Mugadishu ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Waxaa ka qeyb galay shirkaan xumno matalaya Maamul goboleedyada ka jira dalka, aqoonyahnno  iyo wakiilo ka socda ururada taageera waxbarashada dalka .

Shirka ayaa waxaa looga hadlay horumarada dhanka waxbarashada ee ka jirada dalka  mudadii sanadka aheyd ee la soo dhaafay iyo dib u dhacyada ka jira dhanka waxbarashada iyo sidii ay u heli lahaayeen ardada Soomaaliyeed manhaj tayeysan oo mideysan kaasoo dhamaan laga hirgaliyo guud ahaan gayiga Soomaaliya.

Ugu horreyn waxaa Goobta ka hadlay C./ qaadir Cabdi Xuseen oo ah  wasiirka waxbarahada Hidaha iyo Tacliinta sare kaas oo shirka daah furay.

Wasiirka waxaa uu sheegay  in helidda manhaj tayeysan ay sare uqaadi karto tayada waxbarashada dalka iyo in la helo arday Soomaaliyeed oo aqoon wanaagsan leh, wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey iney tahy wax lagu farxo in sandba midka ka danbeeyo ay ardada Soomaaliyeed ay helayaan fursado waxbarasho oo bilaash ah, isagoo yiri:

“ waa wax lagu farxo in ardad Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho bilaash ah haba iska yaraateen waa arrin lagu farxo balse waxbarashada Soomaaliya kama go,na Soomaaliya ayuu yiri wasiirka waxbarashada”.

Wasiirka ayaa intaas hadalkiisa waxa uu raacsiiyey iney Dowladda Soomaaliya iyo wasaaradda waxbarashada dalka ay ka go,antahy in la helo manhanj tayeysan oo dhamaan laga hirgaliyo dalka .