U bood dhigaalka

Muqdisho: Shacabka Oo Maanta Isugu Soo Bixi Doona Roob Doon

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka uu ka dhacdo isku soo bax roob doon ah, maadaama dalka ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Axadii waxa uu shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqay iney isku soo baxaan sameeyaan maanta oo taariikhdu ku began tahay 14-ka Maarso.

Isku soo baxan waxaa ka qeybgali doona mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya, culimo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Si wadajir ah ayaa Allah looga baryi doonaa inuu roob keeno, sidoo kalena uu dhibaatada ka dulqaado shacabka Soomaaliyeed.

Gobollada dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, welina gurmad ku filan lama geyn deegannada ay abaarta ka jirto.

Goobjoog News