U bood dhigaalka

Muqdisho: Waddooyinka Qaar Oo Saakay Xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Makka Al-mukarrama iyo kuwo kale oo ku dhow wadadaasi.

Waxaa la arkayaa gaadiidka dagaalka oo lagu jaray qaar kamid ah Isgoysyada ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama, waxaana loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Shacabka isticmaalaya wadadaasi ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya, iyadoo illaa iyo haatan aan la ogeyn ulajeedka wadadan loo xiray.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga bartay in waddooyinka magaalada Muqdisho ay xirto marka ay magaalada imaanaya wufuud caalami ah, ama ay dhacayaan shirar caalami ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News