U bood dhigaalka

Murashaxiinta Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashada, Aqbalaadda Natiijada Iyo Digniinta Puntland

Sheeko:Dalka

Murashaxiinta 3-da ah ee doorashada Somailand oo kulan maanta la yeeshay guddida doorashooyinka Somaliland waxaa ay warbaahinta u sheegeen in ay ku qanci doonnaan natiijada ka soo bixi-doonta codaynta doorashada.

Faysal Cali Waraabe oo ah musharrax xisbiga UCID , Muuse Biixi Cabdi musharrraxa xisbiga Kulmiye iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxaa ay si wada jir ah ugu baaqeen shacabka Somaliland in ay ilaaliyaan nabad-galyada iyo nidaamka ay guddida doorashooyinku u dajiyeen codbixinta doorashada.

Sidoo kale, Saddexda musharrax waxaa ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin go’aanka ay guddida doorashooyinku hawada kaga saarayaan baraha bulshada ee internetka maalinta doorashada loo dareerayo.

Dhinaca kale, Musharaxiinta doorashada madaxtooyada Somaliland waxay farriin digniin ah u direen maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo sheegay in aanay doorasho ka dhici Karin gobolada Sool iyo Sanaag iyagoona bulshada caalamka ugu baaqay in ay arrintaasi la socdaan.

Caddiraxmaan Cirro musharraxa xisbiga WADDANI ayaa yidhi; “Somaliland doorashada waxay ka qabanaysaa dalkeeda dal kale iyo xuduud kale ka qaban mayso,  waxaa ay doonaysaa doorasho xor ah oo xalaal ah oo nabad-galyo ah inay qabato. Farogelin shisheeye oo sida laga soo sheegay Puntland ay ku dhawaaqeen Baarlamaankoodu ama Puntlandba inay farogelinayso doorashada Somaliland, tallaabadaas beesha caalamkana waan u sheegaynaa oo waa gar-darro”

Muuse Biixi Cabdi, Musharraxa xisbiga KULMIYE ayaa isna yidhi; “Waxaan u digayaa Soomaaliya gaar ahaan Puntland oo ku dhawaaqday inay khalkhal galin doonto doorashada annakuna nabad baanu doonaynaa Somaliland haddaanu nahay,  Somaliland dagaal way kasoo daashay Somaliland dagaal waa u waayo arag Somaliland .. weligeedba cadow noo gacan qaaday muu jabin waayin weligayo cadow nagama adkaan taariikhda dib haloo raaco”

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe musharraxa xisbiga UCID ayaa isna yidhi; “Waxaan leeyahay dadka wada dhashay ee jaarka ah ha xumeenina xidhiidhka dadka u dhexeeya ballan anigu waxaan ku qaaday haddaan soo baxo insha allaahu tacaallaa waan soo bixiye,  inaan idinla xisaabtamo maanta haddaad taa ku dhaqaaqdaan waayo maanta shaqo wayn ayaanu wadnaa oo soomaali oo dhan sharaf u ah”

Goobjoog News,