U bood dhigaalka

Mushaar Kordhin iyo Fasax Loo Sameeyay Shaqaalaha maamulka Somaliland

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha maamulka Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed ayaa maanta ku dhawaaqay fasax iyo mushaar kordhin loo sameeyay dhamaan shaqaalaha Somaliland.

Guddoomiye Sharmaarke oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha oo uu ugu hablayeeyay curashada sanadka cusub ee 2017,  isagoo ku dhawaaqay in maalinta barri ah ee bilowga sanadka cusub ay tahay fasax guud oo ay howlahooda ka nasanayaan dhamaan shaqaalaha maamulka.

Waxa uu shaqaalaha uga farxiyay sanadka cusub mushaar kordhin boqolkiiba Tobon ah oo loo sameeyay:-

“Shaqaale weynaha Somaliland maalinimada barri ah oo ku beegan 1,1, 2017, waa maalin fasax ah oo shaqaalaha dowladdu ay ka nasanayaan maalin howleedkoodii, si ay ugu soo diyaargaroobaan howsha bilowga sanadka cusub”, ayuu yiri Sharmaarke.

“Sidoo kale waxaan ugu bishaareynayaa shaqaalaha Somaliland in bilowga sanadka cusub noqon doono mid la kordhiyay mushahaadkooda %10, iyadoo aan ku jirno xaalad adag ayaa hadana ugu hambalyeynayaa madaxweynaha Somaliland iyo wasaaradda maaliyadaba dadaalka ay u galeen in shaqaalaha ay boqolkiiba Tobon mushaarkooda u kordhiyaan”.

Maalinnimada barri ah ayaa ah maalin dunida inteeda badan fasax u ah shaqaalaha dowladda, dabaaldagga sanadka cusub ee 2017-ka darteed.

Goobjoog News