U bood dhigaalka

Muungaab Oo Loo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Miudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa oggolaadey soo jeedinta magacaabista Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Magacaabista Mudane Muungaab waxaa soo jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Madaxweynaha oo tixraacaya soo jeedintaasi ayaa rasmi ahaan u oggolaadey una saxiixay soo jeedintaasi oo dhaqan gashey shaley oo taariikhdu ahayd 09, August, 2016.

S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho intii u dhexeysey bishii February 2014 ilaa October 2015. Waxaa ka hor uu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida intii u dhexeysey August, 2010 ilaa bishii February 2014, isagoo sidoo kale isla maxkamaddaasi ka soo noqday garsoore.

————————–DHAMMAAD———————-—-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya