U bood dhigaalka

Muuqaal: Qaraxii Maanta Ka Dhacay Degmada Wadajir Iyo Khasaaraha Uu Geystay

Sheeko:Dalka

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa islamarkaana ahaa nooca loo yaqaan Homey oo uu saarnaa qof Ismiidaamiye ah ayaa maanta waxaa lagu weeraray xarunta maamulka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

In ka badan 17 ruux ayaa ku geeriyootey qaraxan, 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawaca ah ku jira guddoomiyaha degmada Wadajir iyo mas’uuliyiin kale.

Axmed Maxamuud Maxamed, afhayeenka wasaaradda amniga oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri “ Waxay laayeen masaakiin shacab ah, qaraxa wuxuu ahaa gaari lal abeegsaday degmada, dhowr iyo Toban ruux ayaa dhimatay, dhaawacna waa uu jiraa, shacabka waxaan ugu baaqeynaa iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka oo aan meel uga soo wadajeedsanno Al-shabaab” ayuu yiri Afhayeenka.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxan waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, qaarkood dadka waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka

Goobjoog News