U bood dhigaalka

Muuqaal: Wasiir Yariisow Oo Sharaxay Waxyaabaha Looga Hadli Doono Shirka London

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha looga hadli doono shirka London ee arrimaha Soomaalida, kaasi oo furmi doona bisha soo aadan.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog, ayaa sheegay in shirkan diiradda lagu saari doono arrimo badan oo ammaanka qeyb ka yahay.

Wuxuu tilmaamay in sidoo kale danaha laga leeyahay shirkan iney tahay in caalamka oo dhan usoo jeesto Soomaaliya, islamarkaana u caawiyaan alka sida ay Soomaalida dan u ah.

“Dowladda Ingiriiska waxay mar kale iclaamisay iney shir u qabaneyso arrimaha Soomaaaliya, ujeedaduna tahay iney caalamka usoo jeediso arrimaha Soomaaliya, in wadamada caalamka u caawiyaan Soomaalida si Somaaalida dan u ah, waad la socotaa 2012 iyo 2013-kii waxay shirar u qabatay arrimaha Soomaaliya, dowladda Ingiriiskana waa dowlad door hoggaamineed ka qaadatay arrimaha Soomaaliya tan iyo 2011-kii oo dhanka gargaarka dhanka taageerada amniga, dhaqaalaha, dhanka Horumarka iyo safaaradoodii ugu weynayd Yurub ay dalka gudahiisa ka dhisteen, taasna aad iyo aad ayeey ugu aamaanan yihiin

“Shirkaan arrimaha looga danleeyahay waxay tahay Labo mid, in arrimaha amniga Soomaaliya xal loo helo, waad la socotaa dowlado badan baa taageera ciidamada Afrikaanka iyo kuwa Soomaalida, hadda qorshaha wuxuu yahay sidii ciidanka Soomaaliyeed isugu filnaan lahaa loona gaarsiin lahaa marxalad ay dalka ku hantaan, ciidamada afrikaanka ee noojoogana looga maarmi lahaa” ayuu yiri wasiirka.

11-ka bishan waxaa magaalada London ka furmaya shirka looga hadlayo arrimaha Soomaalida, waxaana shirkaasi soo qaban qaabisay dowladda Ingiriiska.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga wasiirka


Goobjoog News