U bood dhigaalka

Muuse Biixi: 480 Milyan oo Doolar Ayaa Nooga Baxa Sanadkii Qaadka Cunistiisa

Sheeko:Dalka

Muuse Biixi Cabdi guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa sheegay in Somaliland si wanaagsan looga wadahadlo  lacagaha faraha badan ee Qaadka ku baxa oo looga maarmi karo taageerada dhaqaale ee beesha caalamka.

Muuse Biixi oo taageeraal xisbigiisa ah kula hadlayay dalka Ingiriiska ayaa ka dhawaajiyay  in kobaca dhaqaaluhu uu ka bilowdo xisaabtan dhab ah oo ay dadku yeeshaan, waxa uuna xusay in Somaliland dhaqaale farabadani yaallo laakiin loo baahan yahay in si wanaagsan loo maamulo, musuqmaasuqana lala dagaalamo.

Muuse Biixi waxa uu tilmaamay in qaadku yahay mushkiladda weyn ee hoos u dhigaysa koboca dhaqaalaha ayna tahay in dadku si wanaagsan u xisaabtamaan;

“Sanad walba waxaynu niraahnaa adduunkow nasoo caawiya dad fuqara ah ayaynu nahay, caafimaadkeenna waa la caawiyaa waxbarashadeenna waa la caawiyaa, iyada oo aynu ku bixinno 480 milyan oo doolar sanadkii Qaadka cunistiisa, labo is keenaysa maaha in 480 milyan oo doolar ayaan cunayaa saacadana waan luminayaa caqli fiyow maaha”.

Somaliland waxaa Labo sanno ka hor ka bilowday ol’ole culumada iyo dhakhaatiirta caafimaadka oo bulshada ka wacyigelinaya  khatarta qaadka oo la sheegayo inuu kaalinta koowaad ka qaato xanuunada maskaxda,  waxaase doodaha culimada iyo dhakhaatiirta daciifeen markii ay wasaaradda maaliyadu sheegtay in 20% ay miisaaniyadda sannadka Somaliland u soo xarootaa ay ka timaaddo cashuurta qaadka.

Goobjoog News