U bood dhigaalka

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Jago Sare Looga Magacaabay UNHCR

Sheeko:Dalka

Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Axmed Shire Warsame ayaa loo magacaabay agaasimaha la tacaalidda gurmadka degdegga ah ee hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.

Axmed ayaa noqonaya ninkii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed oo jago sare ka qabta hay’addan, xilli Soomaali badan ay qaxooti ku yihiin dalal badan oo caalamka ah.

Wasame oo la hadlayey Idaacadda codka Mareykanka ayaa sheegay in 2013 illaa 2014 uu madax ka ahaa xafiiska hay’addaasi ee Xeryaha Dhadhaab.

Xafiiska loo dhiibey ayaa isugu jira Saddex qeyb oo kala ah mid xaaladda degdegga ah  ama dhibaatooyinka ka dhaca Dunida sida dadka qaxootiga ee dalalkooda dhibaatada uga carara una gudbaya dalal kale iyo sidoo kale dadka ku barakaca gudaha dalkooda.

Qeybta Labaad ayaa ah mid ku saabsan Nabadgalyada iyo shaqaalaha UNHCR, halka qeybta kalena ay tahay caawimaadda UNHCR ay ku caawiso dadka barakacay, isaga oo agaasime ka noqonaya Saddexdaasi barnaamij.

Goobjoog News