U bood dhigaalka

Muxuu Isku Casilay Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Ee Dowladda Federaalka?

Sheeko:Dalka

Axmed Maxamed Maxamuud , afhayeenkii wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, wuxuu sheegay inuu iska casilay xilkaasi.

Afhayeenka oo xilkaan loo dhiibay 29-kii April 2017 ayaa horey xilal uga soo qabtay maamulka Jubbaland, wuxuuna sabab u yeelay waxa ku kallifay inuu is casilo.

Waxa uu sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay isaga oo aan arag horumar lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan  jeclaa in cadowga guryahooda, tuulooyinka iyo meelaha ay ku jiraan loogu tago, wey ii cuntami weyday in maalin walbo aan ka dul hadlo shacab Soomaaliyeed oo la laayay” ayuu yiri  Axmed Maxamed.

Dhanka kale, Axmed Maxamed Maxamuud Carab ayaa sheegay in dalkaan uu badbaado u baahan yahay iyo in si dhab ah loogu soo jeesto wax ka qabashada amniga guud ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sabtidii aynu soo dhaafnay waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Zoobe ka dhacay qarax aad u xooggan, kaasi oo gallaaftay nolosha in ka badan 200 ruux oo shacab ah.

Goobjoog News