U bood dhigaalka

Muxuu Xanuunku Ugu Badan Yahay Madaxa Marka Loo Eego Xubnaha Kale ee Jirka? Daraasad Cusub

Sheeko:Caafimaadka

Daraasad lagu sameeyay jiir ayaa muujineysa in dareenka xanuunku ku badan yahay madaxa iyo wajiga marka loo eego xubnaha kale ee jirka, iyaddoo sababtuna tahay goob goonni ah oo maskaxda ah ay sii kordhiyaan dareenka xanuunka labadaa meelood.

Van Wang oo ka tirsan markaska caafimaadka ee jaamacadda Duke ee Durham gobolka North Carolina ee gudaha dalka Mareykanka ayaa  tilmaamay iney eegeen siyaabaha uu jiirku xanuunka u dareemo,  waxayna si gaar ah u eegeen goobaha xanuunka ee marka ay dhibaato soo gaarto wajiga iyo lugaha. Waxay arkeen in baraarujiyaasha xanuunku goobahaasi uu kala duwan yahay.

Xanuunka lugaha waxa uu aadaa dhanka lafdhabarta kadib waxa uu usii gudbaa dhanka maskaxda qeybta lidka ku ah lugta dhibaatadu soo gaartay. Halka dareenka xanuunka wejiguna uu toos u aado goob maskaxda ah oo goonni ah.

Wang ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in xanuunka saa’idka ah ee madaxa iyo wajiga uu si toos ah u saameynayo dareenka qofka xanuunsan… sidaa darteed waxaa muhiim ah, ayuu yiri, in la daweeyo dareenka qofka xanuunsan ee la dhibaatoonaya cudurada mudada dheer lala noolaado.

Si kastaba, daraasaddan ayaa tilmaantan arrin qof kastaaba ogyahay oo ah marka uu goys ku xanuuno inaaney la mid ahayn marka ay lugi ku xanuuneyso. Cilbaarayaashu ma aaney sheegin sababta xanuunku ugu kala badan yahay xubanaha jirka, waxaase loo maleynayaa iney tahay muhiimadda uu madaxu u leeyahay jirka intiisa kale iyo dhawaanshiha uu uga dhaw yahay goobaha xanuunka laga sareemo.

Goobjoog News,