U bood dhigaalka

Naafada Xoogga Dalka: Dowladaha Qofka Markuu Duqoobo, Ciidan ama Shacab Waa la Daryeelaa, Laakin Lama Haayo Dowladdaas

Sheeko:Caafimaadka

Cabduullahi Maxamed Ducaale oo ka tirsan naafada xoogga dalka ee dagaalkii 77 ayaa sheegay in isaga iyo asxaabtiisa ay dhibaato badan ku heyso Isbitaalka Martiini

“Dadka Isbitaalka Martiini jooga aad iyo aad ayey ugu dac-dareysan yihiin naafadii xoogga dalka Soomaaliyeed 77 aad iyo aad ayey isbitaalka ugu dac-dareysan yihiin sababtoo ah dalka gudihiisa wax daryeel ah kama helaan dibaddana wax daryeel ah kama helaan.

Cabdullahi waxaa uu sheegaya sida ay u nool yihiin “Sidaas darted iyagana maahan kuwo xoogsan karo oo shaqeysan karo boqolkiiba 20% ayaa shaqeysa labaatankaas wixii ay soo dhiciyaan baa la iskaga noolyahay la islana wadaagaa sidaas darted ayaan meesha ku joognaa”

Sidee tahay xaaladooda caafimaad “Waxaa intaasi noo dheeri ah caafimaad darro wax dhaqtar ah malihin,   dhaqtar la’aantuna waa dhibaatada ugu weyn caafimaadkii la yaqaanay oo horay dowladdii dhexe ay noo sameyn jirtay,  waxaa uu ahaa mid aan wax ganacsi ah aan kaa rabin oo isbitaallo dowladda ah oo aad nalagu daryeelo nalagu soo dhaweeyo ayaa jiri jiray.

Cabdullahi waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aaney dawada Isbitaallada iska bixi Karin “Isbitaal maahan ee waa dukaan yar oo ganacsi oo miisaanno ay u saaranyihiin oo uu ku miiso dhiigga dadka iyo hilbahoodaba meeshaas ayaa noo ah caafimaad sidaas darted niman iska bixin karo ma nihin anagu, meesheenaan ayaa iska joognaa wixii ilaahey noo keeno waan cunnaa balse caafimaad darrada iyo daryeel la’aanta waa noo dheeri inta bani’aamka uu rabana waan rabnaa”.

Booqashada waxaa uu ka yiri “Wadanka waxaa uu ku jiraa xaalad qaraar sida aad ogtahay nin walbow naftaada ayey taagantahay meel kalo oo ay wax nooga yimaadaan ma jiraan mar mar dibadahaas waxaa nooga yimaada rag naafada ka mida oo wax noo soo tuura oo nasoo xasuusto lkn ma jirto dalka gudahiisa cid nagu xasuusato.

Cabduullahi Maxamed Ducaale  waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Dowladaha aduunka qofka markuu daqoobo ama ha noqdo ciidan ama shacab waa la daryeelaa laakiin lama haayo dowladdii na daryeeli laheyd ilaahey ha noo keeno”.

Goobjoog News