U bood dhigaalka

Nabadoon Sheegay In Kenya Ay Dhul Ballaarsi Ka Waddo Degmada B/xaawo, Baaqna u Diray DFS

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya iney waddo dhul ballaarsi, iyaga oo sheeganaya iney leeyihiin qeyb kamid ah degmadaasi.

Nabadoon Aadan Weli Muuse ayaa u sheegay Goobjoog News, in shacabka B/xaawo ay ka war heleen oo  kaliya Taangiyo iyo ciidamo badan oo soo gudbay, islamarkaana cabiranaya qeybo kamid ah degmada B/xaawo.

Waxa uu tilmaamay nabadoonka in ciidamadan ay qodis ku bilaabeen xaafado kamid ah B/xaawo iyaga oo dadka u sheegaya in dulka Kenya halkaasi ka tirsan tahay.

“Ciidamadan ayaa mar qura nagu soo yaacay, dhul sheegaso ayeey bilaabeen, cabiro ayeey qodeen, laakiinse shacabkii u istaagay in dhulka difaacdo” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhanka kale, Nabadoon Aadan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya ineysan yareesan waxa ka socda degmada B/xaawo gaar ahaan xuuudda aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya.

Goobjoog News