U bood dhigaalka

Oday Dhaqameed Ka Hadlay Doorashada Ka Dhaceysa Sool Iyo Sanaag

Sheeko:Dalka

Nabadoon Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar oo ka mid ah waxgaradka Puntland ayaa ku eedeeyay maamulka C/weli Gaas sida uu sheegay inuu ka gaabiyey arrimaha gobollada Sool iyo Sanaag.

Waxa uu sheegay Nabadoonka oo wareysi la siiyey Goobjoog News, ayaa tilmaamay in maamulkan uu sidoo kale hadda luminayo gobollo kale.

Puntland ayuu sheegay in laga leexiyey wadadii ay ka socotey iyo sidoo kale in loo jiheeyey waddo aan mudankeeda ahayn, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Siyaasadda Puntland maba fadhido, Sool iyo Sanaag ayaa maqan, doorasho ayaa lagu qaban rabaa,  maamulkaan wuxuuba dayacayaa maamullida gobollada Laamiga saaran, hadda Boosaaso waxaa ka jira waad aragtaan” ayuu yiri Nabadoonka.

Doorashooyinka Somaliland ayaa la filayaa iney ka dhacaan deegaanno kamid ah gobollada Sool iyo Sanaag.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada