U bood dhigaalka

Nabadoon Xaad “Haloo Gurmado Dadkii Ku Hanti Beelay Dabkii Kakacay Suuqa Bakaaraha”

Sheeko:Dalka

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka iney gacan siiyaan ganacsatadii shalay ku hanti beelay dabkii shalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in musiibo ahayd wixii shalay dhacay, waxaana uu sheegay in cid walbo oo wax haysata la doonayo iney caawiso dadkii hantida beelay.

“Waxaan rabaa inaan ku baraarujiyo shacabka Soomaaliyeed in dadkaasi walaalahooda ah oo shalay lacag ay haysteen hadda aan haysan in la caawiyo, haloo gurmado dadkii ku hanti belay dadbkii ka kacay Suuqa Bakaaraha” ayuu yiri Nabadoonka.

Sidoo kale Nabadoon Xaad ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ee Soomaaliya iney u istaagto sidii dhankeeda caawinaad ugu fidin lahayd ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii shalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Hanti badan oo illaa hadda inta ay la egtahay aan la shaacin ayaa shalay ku baaba’day dab xooggan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News