U bood dhigaalka

Natiijada Horudhaca Ah Ee Doorashada Kenya

Sheeko:Dalka

Waxaa meel gabagabo ah maraya tirinta cododka doorashadii shalay ay shacabka Kenya u dareereen, iyadoo ay soo baxayaan natiijooyin horudhac ah.

Sida laga soo xigtay guddiga doorashada Kenya ayaa sheegaya in doorashada uu ku horreeyo xisbiga Jubilee ee uu musharraxa u yahay madaxweyne Kenyatta, kaasi oo haysta 55% cododkii la tiriyey.

Xisbiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa isna haysta illaa iyo hadda codod gaaraya 44%, iyadoo la filayo in saacadaha soo aadan ay soo baxdo natiihada saxda ah.

Ra’ila Odinga ayaa durba ku gacan seeray natiijada horudhaca ah ee doorashada laga soo saaray, wuxuuna sheegay in middaasi ay tahay wax is dabo marin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News