U bood dhigaalka

New York: 8 Qof Oo Ku Dhimatay Kadib Gaari La Dul-mariyay

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 12 kalana waxyeello ayaa soo gaartay ka dib markii nin wada baabuur xamuul ah  uu xoog ku soo jiiray wado ay maraan dadka lugta ah iyo kuwa baasakiilada wata ee ku taallo magaalada New York.

Ninkaan ayaa marka uu jiirsiiyay baabuurka dadka waxay ciidamada booliska ku fureen xabado markii uu damcay inuu baabuurka uu ka soo dago waxaana lagu sheegay da’diisa 29 jir booliska ayaana qabtay.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in ninkaani lagu magacaabo Sayfullahi, waana muhaajir soo galay mareykanka sanadkii 2010. Warbaahinta waxay tilmaantay in ninkaani uu ku noolaa magaalada Florida.

Duqa magaalada New York Bill de Blasio ayaa sheegay in dhacdadaan ay tahay mid fulanimo ah oo lala beegsaday dad rayid ah.

Waxaa uu intaas ku daray Bill de Blasio “ Waxaan ognahay in shaqadaan loola jeedo in lagu burburiyo ruuxdeenna . balse waxaan ognahay sidoo kale in dad New yor ay yihiin kuwo xoog leh.

Dadka reer New Yor waxay iska caabinayaan manasaameyneyso nafteedna  howlo xadgudubyo ah oo loola jeedo in nalagu kiciyo argagax iyo cabsi”.

Taliyaha booliska New Yor James Awnil ayaa sheegay in dadka waxyeellada ay soo gaartay dhaawacooda uu yahay mid halis ah balse waxaa uu intaas ku daray inaysan u dhiman doonin.

Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo bartiisa twitterka kaga hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in qof waalan oo jiran uu geystay weerarkaan laamaha amnigana ay la socdaan.

Trump waxaa uu intaas ku daray in aysan u ogalaan doonin ururka dowladda Islaamka inay soo galaan mareykanka ka dib markii ay ku jabeen bariga dhexe iyo meelo kale.

 

Goobjoog News