U bood dhigaalka

Nin Dadka Tahriibin Jirey Oo Lagu Qabtay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa habeenkii xalay ahaa waxay gacanta ku dhigeen nin la sheegay inuu dadka ka tahriibin jirey magaaladaasi.

Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ninkaan ay ku wadaan baaritaan, islamarkaana maxkamad lasoo taagi doono.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in shaqsigan oo aanu magaciisa sheegin uu marar badan dhallinyaro reer Boosaaso ah tahriibiyey, sidoo kalena dadka lacag ku siin jirey in ay u keenaan dadka tahriibka ah.

“Waxaan idiin sheegayaa in aan ku guuleysannay inaan  gacanta ku dhigno nin magafe ah oo dadka ka tahriibin jirey magaalada Boosaaso, cadaaladda ayaana la horkeynayaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Inta badan Boosaaso waxaa ka tahriiba dhallinyaro doonaya iney aadaan dalka Yemen, ugana sii gudbaan dalal kale.

Goobjoog News