U bood dhigaalka

Nobel Prize-ka Dhaqaalah 2017 oo uu Ku Guuleystay Richard Thaler

Sheeko:War
Akadeemiyadda bixisa Nobel Prize ee The Swedish Royal Academy ayaa isniintii ku dhawaaqday Nobel Prize dhaqaalaha 2017, iyadoo oo uu ku guuleysta Richard H. Thaler oo ah macallin ka tirsan jaamacadda Chicago ee gudaha dalka Mareykanka. Caalimkan ayaa waxa uu faahfaahin ku sameeyay waxyaabaha saameynta ku yeesha go’aamada dhaqaale.

 

Guddiga Nobel-ka ayaa sheegay in cilmibaarista Thaler ay caawineyso qiimeynta saameynta tayada dadka iyo is-xakameyn la’aantu ku yeelato go’aamada shakhsiga iyo natiijooyinka Suuqyada.

Thaler waxa uu ka tirsan yaha oo uu wax ka dhigaa jaamacadda Chicago ee dalka Mareykanka.