U bood dhigaalka

Muxuu Madaxweyne Farmaajo Ku Dhihi-doonaa Baarlamaanka Federaalka Ah?

Sheeko:Baarlamaanka

Berri oo Sabti ah, waa munaasabadda xuska  inqilaabkii 1969kii , kaas uu Maxamed Siyaad Barre ka geytay Soomaaliya, maalintaas Siyaad Barre waxaa uu ka sameeyay afgambi taariikhi ah, waxaa uu dalka kula wareegay qaab aan dhiig ku-daadan, isaga oo laalay sharciyadda dalka sida  Dastuurka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka.

48 sano kadib, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu hor-iman-doonaa berri baarlamaankii uu Maxamed Siyaad qufulka ku jabiyay isaga oo sharciyad iyo taageero ka raadsanaya, si dalka u galo xaalad cusub.

Xilligaas October 21, 1969kii, Jaalle Siyaad waxaa uu Idaacadda ka sheegay sababta uu inqilaabka u sameeyay , Khudbaddii ugu horeysay ee  Barre Idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in Cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda.

Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay  in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka kusoo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay Inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda.

Khdbadda Madaxweyne Farmaajo ee October 21, 2017ka lama oga arrimaha ay xoogga saari-doonto, Laakin marka la fiiriyo xaaladda uu dalka ku jiro iyada oo maanka lagu hayo dhacdadii 14kii October iyo Khudbadii uu Khamiista ka jeediyay garoonka Koonis, waxaa muuqata in uu raadinayo taageerada baarlamaanka labadiisa aqal iyo midnimo qaran, waxaa uu dalban-doonaa in ay ku garab istaagaan in uu isticmaalo awoodihiisa dastuuriga ah.

Mar haddii labada Hoggaamiye aan isbar-bar dhignay, Ka waran Labada Baarlamaan?

Baarlamaanka uu Maxamed Siyaad kala diray October 21, 1969kii waxaa uu ahaa hal aqal, nidaam Jamhuuri ahaa, waxaa uu ka koobnaa 123 Xildhibaan, waxaa ay kala matalayeen in ka badan 60 xisbi, waxaa 100 Xildhibaan wax ka badan ku lahaa Xisbiga SYL, Madaxweyanaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Ra’isul Baarlamaanka inta waxaa ay ka tirsanaayeen SYL, awoodda baarlamaanka waxaa ay aheyd mid xadidan.

Baarlamaanka 2017ka, waa labo aqal, Nidaam, federaal ah ku dhisan, tiro ahaan waa 329 Xildhibaan, waxaa ay ku yimaadeen qaab beeleed, madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Ra’isul Baarlamaanka inta waxaa ay ku yimaadeen qaab ka duwan kii 1969kii, marka laga hadlayo isla xisaabtan hey’adaha fulinta, waxaa awood badan baarlamaanka maanta jira.

Hadaba, Khudbadda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Sabtida, Ma Noqon-doontaa mid lagu inqilaabayo xaaladda amni-darro ee dalka ka jirta? Ma noqon-doontaa mid lagu inqilaabayo cabsida heysata shacabka Soomaaliyeed? ma noqon-doontaa mid taariikhi ah oo isbadal amni iyo dhaqaale dalka gelisa mise waa khudbad la mid ah kuwii uu horay u jeedin-jiray?

Goobjoog News