U bood dhigaalka

Ogolaashiyaha Mareykanka Kadib, Imaaraadka Oo Dekadda Berbera Heshiis Kula Galay Soomaaliya Iyo Masar

Sheeko:Dalka

Dhaxal-sugaha Abuu-Dhabi ahna ku-xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalka Imaaraadka Maxamed Bin Za’id Al-nahyaan ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in Imaaraadka uu Dekad ganacsi oo caalami ah ka hirgelin doono magaalada Berbera ee dhacda xeebaha gacanka Cadan.

Maxamed Bin Zaa’id waxaa uu intaa raaciyay in heshiiskan ay la galeen Soomaalida iyo Masar ay wada hadal dheer kala galeen dalalka Mareykanka, Masar iyo Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeyska Al-Watan ee ka soo baxa Masar, dekaddan waxaa la filayaa sida uu sheegay in ay wax badan ku soo kordhiso isku socodka ganacsiga caalamiga iyo in sidoo kale fulinta mashruucan in uu xoojiyo ammaanka marinka Baab-Al-mandab oo weliba si fudud halkaasi looga sameeyo saldhigyo militari.

Dhammaadkii sanadkii hore ayey Imaaraadka heshiis la galeen maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, waxaa sidoo kale heshiiska meel-mariyay baarlamaanka maamulkaas, waxaase warbixintan ku cusub in Imaaraadka uu arrintan kala tashtay dalalka Masar, Soomaaliya Iyo Mareykanka.

Arrinta la yaab leh, dowladda Soomaaliya lagama haayo wax war ah oo arrintan ku saabsan, xataa maamulka cusub ee Farmaajo kama hadlin in dekadda ay Imaaraadka la wareegayaan uu wax ka ogaa maamulkii isaga ka horeeyay iyo in kale.

Akhriso: Wararka Ku Saabsan Heshiisyada Imaaraadka Ee Xeebaha Soomaaliya:

Akhriso: Heshiiska Somaliland Iyo DP World Oo Dhameystiran

Hehiiska Imaaraadka Iyo Somaliland Ee Saldhigga Militari:

Akhriso: Heshii 15 Qodob Oo Imaaraadka Kula Wareegeen Airportiga Berbera Si Saldhig Militari Looga Sameeyo 

Golaha Shacabka Federaalka Ah Oo Wada Mooshin Ka Dhan Ah Heshiiyada Imaaraadka:

Sharci-yaqaanno: Heshiisyada Imaaraadka Waxaa Ay Khatar Ku Yihiin Soomaaliya

Imaaraadka Oo Doonaya Dekadda Boosaaso:

Imaaraadka Carabta Oo La Wareegaya Dekadda Boosaaso