U bood dhigaalka

Ololaha Doorashada Somaliland Oo Gabogabo Maraya

Sheeko:Dalka

Olalaha Doorashada Maamulka Soomaaliland ayaa maraya heer gaogabo ah xilli Afar maalin kadib deegaannada maamulkaasi ay ka dhici doonto doorashada madaxtinimo.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta dhigay ololihii ugu danbeeyay ee xisbigaasi waxana kaliya harsan xisbiyada Wadani iyo UCID oo Labada maalin ee ina soo aadan iyaguna dhigi doona.

13 bishaan oo ku beegan maalinta Isniinta ah ayaa lagu ballansan yahay in degaannada maamulkaasi ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha ee Somaliland.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xisbiga Wadani ayaa si aad ah loogu saadaalinayaa in mid kood uu ku guuleysto doorashada deegaanada Somaliland.

Ammaanka guud ee deegaannada Somaliland ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ay jirto wacyigelin badan oo ku aadan hannaanka ay dadweynuhu uga qeybqaadan karaan doorashada.

Goobjoog News