U bood dhigaalka

Ololaha LoveArmyForSomalia Oo Shirkadda Turkish Airlines Ku Keenay Raashiin Gargaar Ah

Sheeko:Dalka

Ololaha LoveArmyForSomalia  ayaa maanta Turkish Airlines ku keenay illaa 60 tonnes oo gargaar cunto ah, ololaha waxaa sameeyay Jerome Jarre  oo ah Faransiis deggan dalka Mareykanka.

Shirkadda Turkish Airlines ayaa ka jawaabtay dalabka kooxda ololaha wadday oo aheyd in raashiinka ay laga gado dalka Turkiga isla markaana si lacag la’aan ah loogu daabulo diyaaradda laga leeyahay dalka Turkiga.

Ololahan oo socday 17 maalmood waxaa ay ururiyeen illaa 2.5 Milyan, ugu dambeyntiina waxaa la keenay raashiinkii gargaarka ahaa.

Qorshahan gargaarka ayaa lagu wadaa in sii ballaarto, waxaana dhici karta in diyaaradda Turkish Airlines ay mar kale raashin keentao.

Goobjoog News