U bood dhigaalka

Olole Caruurta Looga Tallaalayo Jadeecada Oo La Soo Gabogababeeyay

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ah iyo hey’adaha WHO iyo UNICEF, ayaa soo gabogabeeyay tallaalka jadeecada, kaas oo illaa 1 million oo caruur ah lagu tallaalay gudaha Puntland, caruurta da’dooda waxaa ay u dhaxeysay 6 bil illaa 10 sano, halka dalka oo dhan la talaalay 4.2 million.

Sanadkii tagay  23,002 oo kiis ayaa laga sheegay jadeecada, caruurta ayaa waxaa uu da’dooda u badnaa 10 jir.

Dr. Ghulam Popal, oo u qeybsanaha WHO ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegayaa in loo baahan yahay in dhammaan dowladda iyo hey’adaha iska kaashadaan sidii loo Kontoroli lahaa jadeecada isla markaana loo heli lahaa tallaal ku filan.

Sanadkii hore bilihii March iyo April, waxaa la tallaalay illaa  516,934  oo caruur ah, da’dooda waxa ay u dhaxeysay 9 bil iyo 5 bil.

Inta uu ololaha socday, caruurta waxaa la siiyay tallaalka iyo Vitamin A, waxaana muuqata in hadda lagu guuleystay.

Goobjoog News