U bood dhigaalka

Pentagon: Waxaan Soomaaliya Ka Hirgelin Donnaa Xasilooni iyo Nabad

Sheeko:Dalka

Afhayeenka Pentagon  Navy Capt. Jeff Davis  oo la hadlayey Saxaafadda saacado ka hor ayaa sheegay in Mareykanka uu ka shaqeynayo sidii xasilooni iyo nabad loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya.

Capt. Jeff Davis ayaa hadalkan sheegay in xilli uu ka hadlayey weeraro ay Mareykanka ka fuliyeen dalalka Yemen iyo Soomaaliya, duqeymo ayuu sheegay in ay ku bar-tilmaameedsadeen Al-Qaa’ida iyo Al-shabaab.

Weerarka Soomaaliya ka dhacay, waxaa ay qaadeen July 30keedi, waxaana lagu dilay sida uu sheegay Cali Jabal oo xarakada Al-shabaab u qaabilsanaa Muqdisho.

Davis waxaa uu intaa raaciyay in Cali uu mas’uul ka ahaa weerarada ka dhaco Muqdisho isaga oo weeraro ka soo qaadayey Shabeelaha hoose.

Ugu dambeyntii wasaaradda gashaandhigga Mareykanka waxaa ay ballan-qaadey in ay ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM kala shaqeyn doonto la dagaalanka Als-ahabaab.

Goobjoog News