U bood dhigaalka

Peter de Clercq: 1 Milyan Oo Soomaali Ah Ayaa Barakacay 2017

Sheeko:Dalka

Ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Peter de Clercq ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay xaaladda banii’aadnimo ee ka jirta xeryaha barakacayaasha ee  K13 ee degmada Kaxda.

Peter de Clercq  waxaa uu ka deyriyay  sida loo kala diray illaa 23 kaam oo ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ka yimid deegaanno fog oo abaar iyo macluul ay ka jiraan, dadkan waxaa goobahooda la bur-buriyay 29/30 bishii tagtay ee December , isaga oo intaasi ku daray in dadkaasi oo u badan caruur iyo haween aaney heysan wax daryeel ah.

“Waxaa wax lagu xumaado ah iyada oo ajendaha yahay horumarka nolosha qofka Soomaaliga in la burburiyay kaamam xagga banii’aadnimada ah oo ay ku yaallaan Iskuullo, Musqulo iyo goobo dadka lagu daryeello” sidaasi waxaa yiri Peter de Clercq  .

Qoraal uu soo saaray waxaa kale oo lagu sheegay in abaar darted ay illaa 2 milyan  hadda barakac ku yihiin gudaha Soomaaliya, dadkaasi oo hal miyan ka mid ah ay barakaceen 2017.

Dadkaasi barakacayaasha ah ma heystaan cunto, biyo, dawo iyo hoy intaba, waxaa intaasi u dheer in ay la kulmaan dhibaatooyin jinsioga ah gaar ah kufsi.

Goobjoog News