U bood dhigaalka

Philippin Oo Joojisay Shaqaalihii Ay U Soo Diri Jirtay Kuwait

Sheeko:Dalka

Dowladda Philippines ayaa ku dhawaaqday inay joojisay shaqaalihii ay u soo diri jirtay dalka Kuwait iyada oo ka cabsaneyso dhibaatooyin ay shaqaalaha kala kulmaan Kuwait.

Arrinkani ayaa yimid xilli Philippin ay baaritaan ku sameysay arrin ku saabsan tirko ka mida muwaadiniinteedka oo lagu dilay dalka Kuwait.

Madaxweynaha Philippin Rodrigo Duterte oo hadlay ayaa yiri “ dowladaha Khaliijka dadka loo shaqeeyo waa kuwo ad adag, sidaas darteed afar ka mida shaqaalaha ka shaqeeya guryaha ayaa is dilay”.

Madaxweynaha waxaa uu intaasi ku daray inay jiraan dhibaatooyin dhanka Jinsiga ah oo ay la kulmaan shaqaalaha Philippiniyiinta ee ka shaqeeya dowladdaan Khaliijka ah oo hodonna ku ah Naftada.

Hadalka madaxweynaha ka dib wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait ayaa sheegtay inay la xiriirtay dowladda Philippin si loo cadeeyo arrinkaani.

Wasiirka shaqada Philippin Tears my Pillow in tirooyin badan oo ka mida kiisaskaani ay abuurayaan qal-qal, waxaa uu intaasi ku daray inay baareen lix- todobo ka mida kiisaskaani.

Wasaaradda arrimaha dibadda Philippin tiro koob ay sameysay ayaa waxaa uu tilmaamayaa in Kuwait ay joogaan in ka badan 250 kun oo shaqaalo reer Philippin ah kuwaasi oo intooda badan ka shaqeeya guryaha.

In ka badan labo Milyan oo reer Phililppin ah ayaa ka shaqeeya banaanka wadankooda oo sabool ah,waxayna gaareysaa lacagaha ay bishiii u diraan qaraabadooda labo Bilyan oo doolar.

Lacagaha xawaaladaha lagu diro ayaa waxaa lagu tiriyaa inay yihiin qeybta asaasiga ah ee dhaqaalaha wadanka.