U bood dhigaalka

Puntland: Nabad Diid Ayaa Nagu Soo Weeraray Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaalladii shalay gelinkii dambe illaa xalay fiidkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan islamarkaana ay weerarka lahaayeen Galmudug.

Wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay iska difaaceen ciidankii duulaanka kusoo qaadey oo uu ku sheegay iney ahaayeen Nabad diid, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dagaal saf ballaaran ah oo illaa xagal Sagaashan ah bay nabad diidka nagu soo weerareen, waan iska difaacnay waxaana ku guuleysannay inaan dib u celinno, cid walbo oo nabadda diiddan haddii ay tahay Al-shabaab ama Galmudug annaga nabad diid baan u naqaannaa” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Xirsi ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland ay iska difaaci doonto cid walbo oo deegaannadooda weerar kusoo qaadda.

Shalay gelinkii dambe waxaa magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare kala duwan.

Goobjoog News