U bood dhigaalka

Puntland Oo 2,400 Oo Askari Ku Wareejisay Dowladda Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Xerada 54 aad Ee Garowe waxaa lagu qabtay Xaflad lagu wareejinayay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland, oo la sheegay ay  ku biireen Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Ciidankaan oo tiro ahaan gaaraya 2,400 oo Askari, ayaa qayb ka ah ciidama laga qorayay Maamulada xubnaha ka ah Dawladda federalka dhexe, waana heshiis horey loo kala saxiixday oo ku saabsanaa isku dhafka ciidamada Soomaaliya.

Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi Siicd dheere oo Taliyaha Guud Ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay Ciidamada Puntland ku wareejisay dawlada dhexe gaar ahaan Wasaarada gaashaandhiga Somaliya inay ka yimaadeen ciidamada Puntland oo dhexdooda laga soo xulay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ciidankaani yihiin, ciidankii xooga Puntland ee ku sugnaa xertaha difaaca.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhiga dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay maanta laga bilaabo in ciidanka Daraawiishta Puntland ay kamid ahaandoonaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayna dowladda federalku la wareegidoonto dhammaan wixii xuquuq ah oo ay ciidankaan leeyihiin.

Wasiir udowlaha gaashaandhiga ayaa ciidankaan u sheegay inay sii labo jibaaraan  dagaalka ay kula jiraan cadowga Puntland ee nabad-diidka ugu horeeyaan, wuxuuna sidoo kale uga digay inay ka qeyb qaataan colaadaha sokeeye.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland  Cabdixakim Camey ayaa sheegay in waqti badan soo qaataday in la diyaariyo ciidamada ay wareejinayaan isaga oo intaasi ku daray in maanta laga bilaabo mushaarkooda iyo masuuliyadda ciidamadan ay leedahay Dawladda federalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland ayaa noqonaysa Maamulkii ugu danbeeyay ee wareejiya ciidamo ay qoraysay dawladda dhexe ee federalka, taasoo qorshuhu ahaa in Maamul kasta laga helo 3000 oo Askari.

Goobjoog News