U bood dhigaalka

Puntland Oo Dhaliishay Hay’adaha Samofalka Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa si kulul u dhaliilay waxqabadka hay’adaha samofalka ah ee ka howlgala deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

Camey ayaa sheegay in madaxda hay’adahan aanay u imaan wax qabad balse ay dalxiis u yimaadaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shaqo uma imaan dalxiis bay u yimaadeen Hoteellada ugu qaalisan bay degaan, waxaan hay’adaha ku dhaliilayaa waxqabad la’aan, haddii ay inaga arkaan inaan inagu is caawineyno oo aan wax qabsaneyno innaga oo aan baryin bay nagu soo cararayaan laakiinse waa inaan isku tashannaa, aan ku fekerno dadkeenna sida uu ku hormari lahaa” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Dhanka kale Injineer Camey ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaannada maamulka Puntland iney u istaagaan sidii ay u bixin lahaayeen Canshuurta oo uu tilmaamay iney tahay midda kaliya ee shacabka loogu gurman karo.

“Waxaan idiin ka dooneynaa inaad bixisaan canshuurta, haddii si sax ah loo helo canshuurta waxaa badanaya horumarka” ayuu mar kale yiri madaxweyne ku xigeenka.

Marar badan sidaan oo kale madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Injineer Camey wuxuu eedeeyay hay’adaha samofalka ah ee ka howlgala deegaannada maamulkaasi.

Goobjoog News