U bood dhigaalka

Puntland Oo Loo soo Jeediyay In Ciidan Kala Dhex-dhigto Dirirta Ka Socota Caggaare

Sheeko:Dalka

Deegaanka Caggaare, weli waxaa is hor fadhiya laba beelood oo Colaad dhawaan ku dhexmartay deegaano u dhaxeeya Gobolada Sool iyo Nugaal, Dagaalkii ugu danbeeyay ee dhexmara Xoolo dhaqatada ayaa sababay dhimasho iyo dhawaac.

Inta la xaqiijiyey 14 Qof ayaa ku geeriyooday in kabadan 50 Qof oo dhinacyadii dagaalku uu dhexmaray iyagana dhawac ayaa soo gaaray.

Waxaa hadda laga Cabsi qabaa in mar kale ay isku dhacaan dadka Reer miyaga ah kuwaas oo isku haya deegaanka, 

Mid Ka Mida Waxgaradka Puntland oo Dawlada Ugu Baaqay inay Ciidamo Kala dhexdhigto Beelaha dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Caggaare.
Nabadoon Xuseen Cabdiraxmaan Xaaji oo ka mida Wax-garadka ka soo jeeda deegaanada wax ka dhaceen ay Puntkland Ugu baaqay in Ciidamo kala dhex gala dadka dirirsan u dirto.
Xaalada degaanka ayaa hada ah Mid degan waxaana soconaya waan lagu xoojinay nabada iyo xabad joojin lakala dhex dhigayo beelaha halkaasi kudagalamay.

Goobjoog News