U bood dhigaalka

Puntland Oo Midowga Yurub Ka Dalbatay Wax Ka Qabasha Kalluumeysiga Sharci Darada Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa ka dalbaday Midowga Yurub inuu wax kala qabto Kalluumeysiga Sharic darada ah ee xeebaha Soomaaliya ka wadaan maraakiib iyo doonyo shisheeye.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar Camey oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in howlgalka badaha ee Midowga Yurub ay ka codsanayaan dambiyada abaabulan ee ka dhaca badaha Soomaaliya.

“EU waxaan ka codsaneynaaa iney wax nagala qabtaan sidii wax looga qaban lahaa kalluumeysiga sharci darada ah, burcad badeedda iyo waxyaabaha qashinka ee lagu daadiyo xeebaheena, waxaan rajeyneynaa in wax badan arrintaan laga qabto” ayuu yiri Injineer Camey.

Doonyaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha dalka ayaa muddooyinkaan soo badanayey, iyadoo maamulkaa Puntland marar badan gacanta ku dhigey doonyo kuso xadgudbay xeebaha Soomaaliya.

Maraakiib ku howlgala magaca NATO, sheegana iney la dagaallamayaan burcad badeedda ayaa ku sugan xeebaha Soomaaliya, balse ma jirto doon sharci darro ah ama markab ay ciidankaan qabteen.

Goobjoog News