U bood dhigaalka

Puntland Oo Sheegtay In La Maxkamadeynayo Nabadoon Xarago

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee maamulka Puntland ayaa sheegay in maxkamad la saari doono nabadoon C/qaadir Xarago oo ah afhayeenka Isimada Puntland, kaasi oo Todobaadkan lagu xirey magaalada Boosaaso.

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland C/qaadir Faarax Shire oo saxaafada kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Nabadoonka uu war qaldan ka faafiyey maamulka Puntland, islamarkaana uu sheegay in la jir diley maxaabiis ku jirta xabsiga Boosaaso.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in cadaaladda la horkeeni doono Nabadoon Xarago, islamarkaana wixii sharciga uu ka qabo la marsiin doono, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Nabadoonka waxaa sababay in la xiro waxa uu ku xadgudbay Dastuurka wadanka u yaalla oo ah inaan la kicin karin bulshada, idaacadaha ayuu la hadlay, waxa uu sheegay wax aan xaqiiqda ahayn, jirdilka uu sheegay wax jiro ma ahan, wuu xiran yahay maxkamad ayaana keeneynaa haddii uu is difaacayo” ayuu yiri taliyaha.

Nabadoon Xarago ayaa ku xiran weli xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso, waxaana uu sababsaday kadib markii uu sheegay in 7 dhallinyaro ah oo dil ku xukuman jir dil loogu geystay xabsiga uu ku xiran yahay.

Goobjoog News