U bood dhigaalka

Puntland Oo Sheegtay Iney Gacanta Ku Dhigtay 10 Qof Oo Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa shaaciyey in gacanta ay ku dhigeen 10 qof oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kuna wajahnaa Buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Fu’aad Xanaano oo ah taliyaha ciidamada Daraawiishta ee gobolka Puntland ugu magac dartay Haylan ayaa sheegay in dadkaan ay qabteen ay isugu jiraan rag iyo dumar.

Wuxuu tilmaamay in lagu qabtay Tuulo ka tirsan gobolka Sool, xilli ay ka yimaadeen magaalada Burco waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada Daraawiishta ayaa ku guuleystay iney qabtaan 10 ruux oo Al-shabaab ka tirsan, doonayana iney u gudbaan buuraha Galgala, waxaa laga soo direy magaalada Burco, waxaana ay doonayeen iney u tagaan Al-shabaabka ku dhuumanaya buuraha Galgala, hadda gacanteenna ayeey ku jiraan, baaritaanno dheeraad ah ayaan ku wadnaa, waxaana ku jira dadka aan qabanna Dumar” ayuu yiri Taliyaha.

Taliye Xanaano oo hadalka sii watey ayaa dhanka kale sheegay in marar badan ay Buuraha Galgala u gudbeen rag ka tirsan Al-shabaab oo ka yimid dhanka magaalada Burco waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News