U bood dhigaalka

Puntland Oo Soo Bandhigtay Hub Iyo Rasaas Sida Ay Sheegtay U Socday Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Ciidamada Puntland, ayaa la sheegayaa in sabtidii ay gacanta ku dhigeen Dooni sidday Hub sharci daro ah, kuwaas oo isugu jira Hub culus iyo mid fudud.

Hubka la qabtay waxaa ka mid ahaa PKM, Bastoolado, Rasaas iyo Hub kale, waxaana doonta magaceeda lagu sheegay  Al-furqaan, waxaa laga soo qabtay  deegaanka Marooro oo ku yaala duleedka magaalada Boosaaso, maraakiibta reer Yurub ayaa markii hore gacanta ku dhigay.

Cabdirahman Maxamed Xasan oo madax ka aha Booliiska badda Puntland ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in hubkan loo waday kooxda Al-qaa’ida xiriirka la leh ee Al-shabaab, dhankeeda, weli  xarakada Al-shabaab kama soo bixin wax war ah oo arrinkaasi la xiriira.

Goobjoog News