U bood dhigaalka

Qaahira: Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta Oo Ka Shiraya faragelinta Iran

Sheeko:Dalka

Wasiirada arrimaha dibadda ee carabta ayaa maanta kulan degdeg ah yeelana kaasi oo Sacuudiga uu dalbaday, waxaana looga hadli-doonaa sida ay Iran u la dhaqanto bariga dhexe.

Saacado ka hor inta uusan kulanka qabsoomin ayaa waxaa la sheegayaa in wasiirka arrimaha dibadda Lebanon uusan ka qeybgaleynin kulankaani lagu qabanayo xarunta ururka Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in kulankani lagu gorfeynayo sidii looga hortagi lahaa faragalinta ay Iran ku heyso arrimaha dowladaha Carabta, taasi oo ay ku burburineyso amniga iyo nabadgalyada Carabta.

Wakaaladda ayaa waxay sheegtay in dowladaha Baxreyn, Imaaraadka iyo Kuwait ay aqbaleen codsigii Sacuudiga ee ahaa in la qabto kulanka.

Maalmihii dambe waxaa cirka isku shareeray xiisadda dhanka gobolka ah ee ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Iran taasi oo gaartay arrinteeda meel sare.

Ra’iisulwasaaraha Lebanon Sacad Xariiri ayaa ku dhawaaqay 4 November inuu iska casilay xilkiisa isaga oo ku sugan Riyaadh, siyaasiyiin badan oo reer Lebanon ah ayaa waxay ku tilmaameen arinkaasi in Sacuudiga uu ku riixay Sacad inuu iscasilo.

Goobjoog News