U bood dhigaalka

Gaandhi iyo Cosoble Oo Guddoomiye Ka Noqday Qaar Ka Mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa doortay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogta ah ee golaha Shacabka.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigenka labaad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa lagu doortay ilaa iyo shan guddi iyo ku-xigeenadooda.

  1. Cabdifataax Ismaaciil Daahir ayaa waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Howlaha guud, Dekadaha iyo Gaadiidka,
  2. Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka,
  3. Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi, Gudoomiyaha guddiga xaqiiqo raadinta, dib u heshisiinta iyo Hanti isu celinta waxaa loo doortay
  4. Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda
  5.  XIldhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo loo doortay Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo Federaalka,

Waxaa sidoo kale la doortay shan guddoomiye ku-xigeen iyo xoghayeyaal oo hoostagaya Guddoomiyeyaasha la doortay.

13-kii Bishan, Waxaa La Doortay:

  • Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka dabiiciga,
  • Xildhibaan Sagal Isxaaq Biixi waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka
  • Xildhibaan Malaaq Dhaayow loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, iyadoo sidoo kale la doortay saddex guddoomiye ku-xigeen oo hoostagaya Guddoomiyeyaasha la doortay.