U bood dhigaalka

Qabanqaabada Shirka Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Oo Ka Socota Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose waxaa laga dareemayaa qabanqaabada shir dhowaan la filayo in halkaasi uga furmo madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Shirkaan waxaa qabanqaabiyey maamulka Jubbaland, waxaana madaxweyne Axmed Madoobe uu magacaabay xubnaha guddiga isku dabaridaya shirkan.

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah xubnaha guddigan ayaa warbaahinta u sheegay in 3-da bishan uu shirkan ka furmi doono Kismaayo.

Waxa uu tilmaamay in waxyaabaha diiradda lagu saarayo kamid yihiin arrimaha ku aadan xuquuqda ay leeyihiin maamul goboleedyada, kuwa iyaga lagu leeyahay, isku duubni, ka shaqeynta ammaanka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Todobaadkii tagey madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Kismaayo kaga dhowaaqay shirka wadahadalka maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Shirkaan ayaa yimid kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira.

Goobjoog News