U bood dhigaalka

Qabatinka SmartPhone-ka oo Keena Nymphophobia oo ah Mushkilad Dunida oo Dhan Ku Faafaysa

In badan oo inaga mid ah marka mobilkooda Smart ka ah  ay waayaan amaba uu ka lumo waxay dareemaan cidlo iyo walwal dheeri ah, iyadoo dadka qaar uu ka gaaro xaalad fobiya ah oo ay markasta ilaalin xoogga ay ku hayaan mobilladooda oo daqiiqadna aaney ka marmin.

Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in fobiyada mobil waayiddu ay dunida kusii kordhayso, waxaana la ogaaday in xaaladaasi ay xiriir la leedahay qabatin iyo xiriirkii qofka ee baraha bulshada oo ka dhigaya inuu qofku qabatimo oo aanuu daqiiqadna ka maarmin taleefoonkiisa gacanta ee Smart-ga ah.

Khubaro ka tirsan labada jaamacadood ee Song Kyun Kwan iyo City University ee Hong Kong,  ayaa sheegay in Qabatinka teleefoonka oo loo yaqaanno “nymphophobia” uu ku sii badanayo dunida xilli qofka aanuu marnaba agtiisa inuu ka waayo mobilkiisa gancanta ee smartiga ah aanuu ogoleyn, dadka qaar waxay ka gaartaa illaa marka ay masqusha galayaan inaaney ka maarmin.

Cilmibaarista oo lagu faafiyay  jornaalka “Cyberpsychology, Behavior and Social Tetworking”, ayaa waxaa  hoggaaminayay Dr. Kim Ki john, waxaa lagu sheegay in mobilka uu noqday qeyb qofka ka mid ah oo aanuu daqiiqad ka maqnaan karin, kana maarmi karin, haddii uu waxyar waayana uu u arkayo inuu qeyb jirkiisa ka mid ah uu waayay, niyad jabna uu dareemayo.

cabsida ka dhalata teknoloojiyadda inuu qofku waayo sida internetka mobilka Smartiga ah, ayaa ah mid dunida kusii kordheysa, bil ka hor tijaabo noocaas oo kale oo dhanka Internetka ah ayaa Koonfurta iyo Bartama dalka soo martay, xilli dadbadani ay is lahaayeen daqiiqad kama maarantaan internet-ka, marka aad isku aragto Fobiyada taleefan waayidda waxaa lagaga hortagaa inaad mushkiladda waajahdo oo mararka qaar aad u bedelato teleefoonka caadi ah ee aan Smart-ka ahayn.

Goobjoog News