U bood dhigaalka

Qabiir Amni Oo Ka Hadlay Sida Loo Heli Karo Ciidan Qaran Oo Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Korneel Shariif Roobow oo ah qabiir dhanka ammaanka ah, islamarkaana ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu kaga hadlay sida ugu haboon ee xilligaan loo heli karo ciidamo qaran oo Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in ciidan qaran aysan ku imaan karin kaliya mushaarka ciidamada oo joogto loo bixiyo, balse loo baaahan yahay in lahelo ciidamo ka madax bannaan qabiil islamarkaana ah kuwo isku dhafan.

Shariif ayaa sheegay in ciidamada bartay balwadda ee hadda shaqeeya la doonayo in dhammaantood xeryaha lagu celiyo, la baro wadaniyadda, loo sheego iney beel ka madax bannaan yihiin oo qaran ay yihiin.

Sidoo kale aqoonyahankaan ayaa sheegay in ciidanka marka la xulayo loo baahan yahay in loo  maro wadadii dowladdii hore mari jirtey in la qaado, taasi oo ah in la sameeyo guddi guud ahaan gobollada dalka ciidamada qaran kasoo qora.

“Qabiil inta lagu tashanayo lama arkayo ciidamo qaran, tusaale marar baan waxaa dhacday in maamullo ay sheegeen in xildhibaannadooda ay kala bixi doonaan baarlamaanka, haddii maamulladaasi mid walbo ciidan laga keeno hadane sidii oo kale ayeey sameynayaan, markii ay dantooda waayaan waxay leeyihiin ciidankeena meel hebel jooga hasoo baxaan, marka haddii ciidan qaran la sameynayo waa in guddi loo saaraa oo gobollada dalka iyaga kasoo xula, xerryo isugu keena, kuwa hadda joogana la xareeyo, loona sheego iney yihiin ciidan qaran oo la baro wadaniyadda” ayuu yiri aqoonyahankan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay ku dhiseyso ciidamo qaran oo isku dhaf ah, kuwaasi oo hanta amniga iyo kala dambeynta guud ee dalka.

Goobjoog News