U bood dhigaalka

Qandala: Dagaalyahannadii Qabsaday Oo Hadane Dib Uga Baxay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Qanadala ee gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannadii qabsaday degmadaasi ay si iskood ah uga baxeen halkaasi.

Dagaalyahannada oo sheegtay iney ka tirsanyihiin Ururka Daacish ayaa iyaga oo hubeysan waxay qabsadeen degmadaasi, iyagoo halkaasi ku sugnaa in ka badan 12 saac.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Dagaalyahannadan ay calankooda ka sureen degmada Qandalla, iyagoo saacado kadibna halkaasi isaga baxay.

Lama sheegin ulajeedka ay halkaasi u tageen, mana jirin dagaallo ay la galeen ciidamada Puntland.

Markii dagaalyahannada ay qabsadeen Qandala, ayaa shacabkii ku dhaqnaa degmadaasi waxay billaabeen in halkaasi ay isaga barakacaan.

Maamulka Puntland ayaa ciidankiisa u diyaarineyey sidii ay si awood ah uga hortagi lahaayeen dagaalyahannada, balse iyagii ayaa si iskood ah uga baxay degmada Qandala.

Goobjoog News