U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Iyo Galmudug Oo Ka Wada Hadlay Abaaraha Gobolka

Sheeko:Dalka

Si looga jawaabo abaaraha ka jira Galmudug, waxaa saacadihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaq xoog leh waday madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Maxamed Xaashi

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ahana Siihayaha madaxweyne ha Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabey ayaa Kulan la qatay Wakiilka Qarmada Midoowbay ee Sooomaaliya Michael Keating.

Kulankan oo Ka dhacay Xaruta Xalane ayaa labada masuul ay uga wada hadleen arimaha abaaraha ba’an ee ka jira Deeganada Galmudug.

Madaxweyne Xaashi ayaa si qoto dheer uga warmay Xaaladaha adag ee ku jira deeganada iyo dagmooyinka dowlad goboleedka Galmudug, waxana Madaxweynaha uu shegay in Ay ka sii darayso xalada abareed ee kajirta Galmudug.

Wakiilka Qarmada Midoowobay Michael Keating ayaa shegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay hay adaha uga howolgali doonana Deeganada Galmudug si loogu gurmado dadka ay abaaruhu sameeyeen.

Kulan kale uu Maxamed Xaashi la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu helay ballan-qaad ku aadan sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira gobollada Galmudug.

Goobjoog News