U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka Oo Soo Dhaweeyay Dhismaha Golaha Amniga Qaranka

Sheeko:Dalka

Qaramada midoobey iyo beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay dhismaha Golaha Amniga Qaranka kaas oo lagu dhisay shirkii dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya, Michael Keating oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu sheegay in dhismaha golaha ay xoojineyso dowladnimada iyo amniga dalka.

Keating, waxaa uu intaa ku daray in beesha caalamka sida UN, AMISOM, IGAD, EU, Italy, Ethiopia, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo Mareykanka ay soo dhaweynayaa tillaabadaasi.

Kulan 3 maalmood ka socday Muqdisho ayey dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka isku afgarteen dhismaha Golaha Amniga Qaranka kaas oo ka kooban labo heer.

1. Madaxdu waxa ay ansixiyeen qaab-dhismeedka cusub ee Golaha Amniga Qaranka oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya.

2.  Madaxdu waxa ay sidoo kale go’aamiyeen dhismaha goleyaasha amni ee heer Dawlad-goboleed, oo ay guddoomiyeyaal u yihiin madaxwaynayaasha Dowlado-goboleedyada.

Goobjoog News