U bood dhigaalka

Qarax Caawa Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax Miino ayaa caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in uu ku xirnaa gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan xoogga dalka oo aanay suurtagelin inaan magaciisa helno.

Wararka waxay sheegayaan in qaraxan ay ku dhaawacantay haweeney halkaasi maqaayad ku lahayd, iyadoo loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in sarkaalkii lahaa gaariga qarxay uu nabad qabo, waxaana goobta gaaray ciidamada xasilinta Muqdisho oo howlgallo sameeyay.

Ma jirto faah faahin intaan ka badan oo laga helay qaraxan, hase yeeshee wuxuu imaanayaa xilli maalmahan dambe uu soo hagaagayo amniga magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News