U bood dhigaalka

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar goor dhow nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay nawaaxiga wasaaradda Difaaca ee magaalada Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la sheegay in lala eegtay gaari kale oo ay saarnaayeen ciidan oo halkaasi marayey, waxaana jira khasaare kala duwan.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa halkaasi ku geeriyootey, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in gaariga qaraxa lagu weeraray uu la socday sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka, balse magaciisa iyo jagada uu hayo lama sheegin.

Rasaas ayaa laga maqlayaa halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana goobta ku qulqulaya gaadiidka gurmadka degdegga ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News